X

Cabashada musharixiinta huteel Jasiira waxay markasta ku socotaa kooxda Xalane

Waxa markasta cajiiba in kooxda ku qaraabata magaca Hawiye ee fadhida huteel Jasiira ay cabashadooda doorashada ku socotaa kooxda Xalane oo la ogyahay inay maalgeliyaan ugu yaraan dhinaca warbaahinta iyo abaabulka maleeshiyada.


Bilowga doorashada waxay aad ugu faraxsanaayeen dhowr xildhibaan oo uga soo baxay Kismaayo iyo Butlaan oo markii dib loo fiiriyay aan iyaga cod u hayn laakiin u haya Siciid Deni.

Intaas wixii ka dambeeyay waxay arkeen inaanu jirin xildhibaan ay wataan oo waxa raja ah ka dhex leh odayada xulaya iyo dadka codka siinaya, tana waxay keentay inay kolba hadal u jeeda kooxda Xalane tuuraan.


”Waxay aad u jecel yihiin inay afka ku balaadhsadaan madaxweyne Farmaajo xilli doorashada uu wareejiyay muddo sideed bilooda kahor ah ayuu yiri Cali Calasow.



”Ma hayno hal cabasho oo nooga timi kooxda fadhida huteel Jasiira ayaa laga soo xigtey guddiga khilaafaadka taas oo ka dhigan waxay naf moodeen fariintey ay u dirayaan kooxda Xalane.

Kooxda Xalane dhowr jeer ayay u hadlaan laakiin ma soo saari karaan xildhibaan oo kursiga waxa iska leh reer ayuu raaciyay Cali Calasow.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.