X

Sidey muhiim u tahay in af-qalaad lagu turjumin af-Soomaali

Aqoontu waa furaha kobaca dhaqaale ee dalku leeyahay. Ilaa intii qaranka hadda aynu u wada naqaano Soomaaliya uu dhismay waxa la soo maray dhowr marxalo oo ka jaada. Waxase horumarka dhinaca afka hooyo la gaadhay xilligii dawlada kacaanka.


”Dhibka ugu weyn ee jiray wuxuu ahaa in aqoontii ku qornayd luqada Ingiriiska lagu bedelay Af-Soomaali laakiin si qaldan loo adeegsaday meelaha qaar taasna ay abuurtey faham daro ka timaada xagga wabarashada ayuu qabaa Xuseen Warsame.

Burburka kadib oo ayna jirin haba yaraate wax horumarina waxa daaqada laga saaaray Af-Soomaaligii waxana gebi ahaanba loo wareegay Ingiriis sidii in la moodayo in horumar lagu gaarayo.


Magaalooyinka badankooda markaad marto isma odhanaysid waxaad joogta Somaliya waxaadse is leedahay war dalkan yaa leh dabcan burbur ayaa lagu jiraa, meelkasta waxa dadka horfadhiya dhoohane ayuu raaciyay Xuseen Warsame.


”Marka hadaad af-Ingiriis ku turjunto Af-Somali waxa soo baxaya macno ka duwan micnihii aad uu talo gashay, tusaalaha u dambeeya waa xarun shaqo-raasduhu ka heli karo maclumaad oo laga furay Muqdisho.

Ayadoo af-Ingiriiska loo turjumay ayaa lagu qorey Af-Somali waxana meesha ka baxay micnihii iyo ujeedadii laga helaa goobtan . Sawirka hoose ayaa fasiraya.



Sida ugu wanaagsan waa in aad la timaado Af-Somali saxa kadibna aad aad ku faanto inaan loo hayn macno la mida oo Af-Ingiriisa. Waa sida lagu hormarin karo afka hooyo aqoontuna u kordhi karto.

”Waxaad la yaabaysaa kuwo aqoon isbidaya oo Ingiriiskii af-Somaliyeynaya jaahilnimo ka weyn ma jirto.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.