X

Cabdi Iley oo la hordhigey eedaha lagu soo oogey maxaase ku jira eedahaas

Madaxii hore ee Somali Galbeed ayaa manta la hordhigey eedaha ka dhanka xuquuqda aadanaha ee uu ku kula kacay Somalida mudadii dheerayd ee uu fadgiyay xukunka. Eedaha laga hor akhriyay ayaa waxa ku jira kufsiga haween aad u farabadan.


Waxa kale oo la helay meydka 42 qof oo lau duubey xabaalo wadareed. Cabdi Iley ayaa xad dhaaf ay yihiin dembiyada uu ka galay Somalida halkaa degan isagoo u samaystey koox la yiraa Heego iyo Liyuu Booliis oo jufadiisa u badnaa.

Dembiyada lagu soo oogey ayaa u badan kuwo dhacay mudadii kala guurka lagu jirey sida dadka lagu diley kaniisada Axmaaradu ka furatey goobta.


Waxa dembiyada kula ilaa 47 ka tirsanaa xisbigiisa waxase hadda gacanta lagu hayaa kaliya isaga iyo sadex kale. Waxa markale maxkamada la hor keeni doonaa 6 bisha soo socota si qareenkiisu u hadlo.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.