X

Fal argagaxleh oo ka dhacay xaafad ka tirsan Muqdisho

Fal argagaxleh ayaa ka dhacay xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho. Xaafada Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa caawa 30/01/2019 fiidkii lagu arkey qof meydkiisa si xun loo jarjaray oo ah nin.


Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cali Laami, wuxuuna ahaa ruux ka ganacsan jiray xoolaha nool, waxuuna ahaa ruux si weyn xaafadaasi looga garanaayo.

Ilaa hada si cad looma ogaan cida geysatay falkaan, iyadoo dhacdadaan ay noqotay mid ay aad uga naxeen dadka xaafadaas degan kana anfariireen markwey arkeen sida loo jarjaray.


Falalka noocana waxa inta badan fuliya argagixisada waxaase aan la garanayn wuxuu ka diidey ee kadibna uu ku muteystay in sidaan loogu xadgudbo naftiisa.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.