Cabdi Maxamuud Cumar ayaa la ogaadey in dacwad buuxda lagu soo oogin mida ah ay tahay mid kaliya ku kooban bililiqadii taageereyaashisu ka gaysteen Jigjiga iyo dadkii ay dileen xilligii xilka laga tuuraayay.
Dawlada Somali galbeed oo arintaas ogaatey ayaa sheegtay inay gudbin doonaan dacwada saxda ah ee loo haysto Cabdi Iley oo ay ku jiraan kufsi iyo kumanaan la diley.
Madaxa dawlada Somali galbeedĀ Mustafe Cagjar ayaa warbaahinta u sheegay inĀ dowladda Federaalka Dacwadda ay u heysato Cabdi Maxamuud Cumar aysan ku jirin dad ku dhow 10 kun oo ruux oo uu ku dilay deegaanka Somali galbeed ee Itoobiya intii uu xilka haayay.
”Dadkaas la xasuuqey waxay dalbanaayaan inay cadaalad helaan waana waxa la sugaayo in dawlada federalka fuliso, waana aan diyarin doonaa dacwadaas ayuu yiri Mustafa Cagjar.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay