X

Cabdiwelli Gaas oo gaaray Gaalkacayo halkaas oo la filayo in uu ka dhaco shir lagu soo afjarayo colaada

Madaxweynaha Puntland ayaa gaaray Gaalkacayo halkaas oo la filayo in uu ka dhaco shir lagu soo afjarayo colaada ka jirta Gaalkacayo ee uu keenay is aqoonsi la’aanta la taagan labada maamul. Cabdiwelli Gaas oo ay weheliyaan Axmed Madoobe ayaa gaaray Gaalkacayo waxana ka sii horeeyay oo jooga raiisal wasaaraha.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay Puntland inay diyaar la tahay inay qaadato wixii maslaxad ah oo wanaaga Soomaaliya ku jira, Waxaase uu tilmaamay dagaalkii ka dhacay inuu ahaa dagaal ay lug weyn ku leedahay dowladda federalka oo horey si sharci darro ah ugu dhistay maamulka Galmudug.

Wuxuu madaxweynuhu Gaas wafuuda ka dalbaday inay si dhab ah ugu sheegaan cida abuurtay fidnada Gaalkacyo oo diiday horumarka iyo laamiyada laga dhisayo magaalada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.