November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Cabdiwelli Gaas oo loo sheegay war aanu jeclaysan

Cabdiwelli Gaas ayaa loo sheegay war aanu jeclaysan. Kadib markii isaga iyo ku xigeenkiisa Camey soo wada saareen guddi khilaafka ayaa garyaqaanka maamulka Puntland sheegay in Cabdiwelli Gaas xaq u leeyahay inuu magacaabo guddiga.



Waxase loo sheegay inuu kala tashado ku xigeenkisa Camey taas oo aan hore u dhicin tahayna ta keentay khilaafka. Cabdiweli Gaas ayaa wata siyaasad diidan dawlada dhexe oo wadata ciidan adag oo dalka difaaca iyo federaal ka duwan tan Cabdiwelli Gaas aaminsan yahay.



Camey ayaa isagu diidey maadaama uuna la tashan Cabdiwelli Gaas inuu xiriirka u jaro dawladda dhexe halka Cabdiwelli Gaas samaystey urur lagu sheegay ururka gobolada dalka oo hadda burburey.

”Cabdiwelli Gaas ayaa xaq u leh inuu magacaabo guddiga marka la fiiriyo sidey hore u dhici jireen magacaabista noocan ah iyo weliba eegista axdiga maamulka Puntland laakiin waa inuu kala tashadaa ku xigeenkiisa ayuu ku soo koobay Garyaqaanku.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS