X

Cabdiwelli Gaas oo si adag uga hadley Tukaraq

Cabdiwelli Gaas ayaa si adag uga hadley Tukaraq. Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa diidey inuu wax wada hadala ka galo Tukaraq iyo deegaanada ay joogaan maamulka Somaliland inta taabacsan.


“Waad ogtahay nimanka marba marka ka dambeysa degaanadeena ayay ku soo duuleen, wada hadal ma imaanaya inta dhul Puntland ay leedahay heysato Somaliland, dhulka waa inay ka baxaan kadib ayaan wada hadal geli karnaa.” Ayuu yiri Cabdiwelli Gaas.


Hadalka Cabdiwelli Gaas ayaa imaanaya ayadoo ay Somaliland tageen wefdi ka socda qaramada midoobey oo la kulmey siyaasiyinta reer Sool ee isku dul dilaya gobolkooda ayagoo kolba dhinac la jira.

Dhinaca kaluumeysiga


“Maalin dhaw waxaanu gaarnay heshiis Kalluumeysiga ah, oo dhexmaray dowladda iyo xubnaha dowlad goboleedyada, nin baa jooga Wasiir ka ah Wasaaradda Kalluumeysiga oo dhib badan, hadii uu fulin waayo heshiiska annagana yeeli meyno, Badda ugu dheer ee loo Kalluumeysi tago waxaa iska leh Puntland.” Ayuu raaciyay Cabdiwelli Gaas

Muuse Biixi ayaa gaadmo ku qabsaday tuulada Tukaraq oo ay joogeen qaybta cashuuraha ee Puntland.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.