X

Madaxweyne Farmaajo oo la geeyay xarun Eritariya ka fulinayso mashaariic: SAWIRO

Madaxweyne Farmaajo oo la geeyay xarun Eritariya ka fulinayso mashaariic horumarineed. Madaxweynaha oo xilli roob da’ayo tagey goobta ayaa dadku aad u soo dhaweeyeen ayagoo ruxaya calanka Somaliya.


Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in kormeerka uu Madaxweynuhu ku tagay goobaha laga fuliyey mashaariicdaas ay ka tarjumayo muhiimadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay siinayso dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga iyo wax-soo-saarka dalka.


“Ujeedka ugu weyn ee aan u kormeernay mashaariicdan ayaa ah inaan wax kala baranno oo aan eegno meelaha aan iskaashiga ka yeelan karno iyo dhinacyada ay ganacsatada labada dal maalgashi ku sameyn karaan sida wax soosaarka beeraha, ka faa’iideysiga ilaha kala duwan ee tamarta iyo warshadaha.”

Socdaalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa dalkan Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ay ku tageen degmooyin ka baxsan magaalada Asmara waxaa ku weheliyey Wasiirro ka kala tirsan labada dowladood.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.