22/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Cabduwelli Gaas iyo Axmed Madoobe oo Xasan Sheekh khido u dhigey midbana mar ka baxay shirka wadatashiga

Madaxda Puntlan iyo Jubba Cabduwelli iyo AXmed Madoobe ayuaa khidad u dhigey Xasan Sheekh iyagoo midkoodba mar ka baxay shirka fashilmey ee looga hadlayo dawladii bedeli lahayd Xasan Sheekh iyo maamulkiisa. Shirka wada tashiga ee looga hadlayo nooca doorasho ee ka dhici karta Soomaaliya sanadka 2016 iyo sida loo wajahayo marka waqtiga u dhamaado dowladda hada jirta ayaa waxaa soo baxaya qodobo badan oo dhinacyada shirka quseeyo isku hayaan.

Inkastoo gelinkii dambe ee maanta lagu waday in shirka laga soo saaro war murtiyeed ayaa waxaa taas hakiyay caqabado ka imaanaya Maamul goboleedyada, gaar ahaan Maamulka Puntland oo gebi ahaanba shirka isaga baxay.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas iyo wafdiga uu hogaaminayay ayaa shirka uga baxay sababo la xiriira in wali dowladda Federaalka ay wax ka tabanayaan, gaar ahaan arrimihii Guddiyadii madaxa banaan ee horay Baarlamaanka Federaalka u meel mariyay

Sidoo kale Puntland ayaa sheegtay in aanay raalli ka aheyn inay meel wada fariistaan Galmudug, isla markaana aanay go’aan meel ku wada gaari karin, maadaama aysan aqoonsaneyn.

Arrinta kale ee shirka culeyska sii gelisay ayaa waxaa ka mid ah Maamulka Jubbaland, oo ku biiray Puntland, shirkana isaga baxay, waxaana dhankooda ay ku mowqif yihiin Puntland oo ay iyana wax la tabanayaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM