X

Cabduwelli Gaas wuxuu dabada ku hayaa shisheeye waana mushkilada koowaad: Cabdikariin Guuleed

Cabduwelli Gaas wuxuu dabada ku hayaa shisheeye waana mushkilada koowaad ee ka jirta gobolada dhexe, Gaalkacyana kama dhacayso nabad inta laba maamul jireen. Madaxii hore ee Galmudug Cabdikariin Guuleed ayaa qarxiyay.


Waxaa dhageystay warka uu mudane Gaas ka jeediyey madashii lagu furayey maanta shirka Garoowe, waxaanna aad ola yaabay warka xaqiiqada ka fog ee uu maamulkii Galmudug ee aan madaxda ka ahaa ku eedeeyay inuu dagaalka Gaalkacyo hurinayey.


Haddaba mudane Gaas marka uu is barbardhiyo Galmudugtii shalay iyo maanta malaha Galmidugta maanta waxuu ka helay oo uu ku heysta wax uu ka waayey Galmudugtii shalay waayo Galmudugtii shalay waxay aheyd mid aan magan aheyn oo u madax banaan siyaasadaheeda iyo jiritaankeeda, una taagan danaha dadkeeda iyo deegaanadeeda, taas oo aysan cidna wax ugu dhibeynin.

Waxaana cad in Cabdiwelli Gaas uu marwalba dabada ku hayo shisheeye kana doorbidey in Somalidu isku timaado oo heshiisyaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.