X

Galmudug oo u baahan in laga badbaadiyo Xaaf

Galmudug ayaa u baahan in laga badbaadiyo Xaaf. Waa markii saddexaad ee uu khilaaf soo kala dhexgalo xubnaha kala duwan ee Galmudug, iyada oo hore loo xalliyey kuwo hore sida kii kala dhexeeyey Ahlu Sunna iyo kii xigay ee Xaaf, Gudoomiyaha Baarlamaan Casir iyo Carabey u dhexeeyey.


Hase ahaatee, waxa ay u muuqataa in maamulka Galmudug uusan hadda lahayn daawo kale aan ahayn in la qabto Xaaf oo xilka laga tuurey laakiin welli sheeganaya inuu yahay horjoogaha saxda.

Waa fowdo inteeda leeg nin xukunka laga tuurey oo haddana soo jeeda waxay muujinaysaa dulqaadka dawlada dhexe iyo weliba shacabka ku nool Galmudug ee ay ku jiraan Ahhlu Sunna.

1-Sal U dhigiidda hay’adaha dowliga ah ee Galmudug waxa uu ka doorbiday colaadsiga dowladda dhexe


Tan iyo markii la doortay, Xaaf wali xiriir wanaagsan lama yeelan dowladda dhexe oo aysan Galmudug dhinac walba uga maarmin.

Galmudug waxa ay ka mid tahay Maamulada dhawaan dhismay una baahan taageero ka baxsan dhakhliga ay iyadu sameysan karto. Hase ahaatee, Xaaf waxaa seegtay in uu dowladda xulufeysto oo uu uga faa’ideysto in ay ka caawiyaan dhisidda haykalka dowladnimo ee Maamulkiisa waxa uuna ka doortay in uu ku xirto maamulo qaarkood gaamuray oo dano siyaasadeed ku hiifa dowladda.

2-Xaaf Waxa uu horseeday kala aamin baxa qabaa’ilka wada dhistay Galmudug


Hoggaamiye Xaaf waxa uu abuuray dhaqan siyaasadeed oo shaki kala dhex galiyey beelaha waa weyn ee wada dhistay Galmudug.

Maanta, oo ay Galmudug u baahan tahay dhisme dhinac walba ah, waxaa muuqata in xaaladda jirta dib u dhac wax aan ahayn u keeneyn. In Carrabeey iyo Gacal Casir is xulufeystaan waxa ay daliil u tahay heerka kala aamin baxa qabaa’ilka wada dhistay Galmudug – Xaaf kama horreyn mushkiladdaa.

Qoraalkii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.