X

Cabi Axmed oo lagu eedeeyay inuu diidan yahay federaalka

Dhawaan ayay ahayd markii sadex qoomiyad oo Ka tirsan ururkii hore ee Tigreegu u badnaa ee EPRDF ay isku raaceen in la bedelo magaca xisbiga si uu ula Jaan qaado isbedelka Ka socda dalka.


Waxase soo baxaayay kadib xilliyadaas in raiisal wasaare Cabi Axmed rabo inuu bedelo dastuurka si meesha looga saaro federaalka Ku dhisan qoomiyadaha oo uu taagey Tigreegii Milas Sanaawi.


Waxa xisbiga cusub aan taageerin kana mid noqon qoomiyada Tigreega oo sheegay  inay jiraan daldaloolo ayna raali Ka ahayn.

Sidoo kale qoomiyada Somaliyeed ee iyadu markii horena Ka mid noqon xisbiyada Itoobiya kaalinteedu banaantahay ayaa sheegtay in Cabi Axmed rabo inuu meesha Ka saaro dastuurka jira oo dhigaya in qoomiyad kasta iskeed u go’i Karto hadday rabto.


Inkastoo Cabi Axmed welli si rasmiya u sheegin inuu u soo jeesayo dastuurka haddana waxa looga digey inuu farageliyo dhinacaas.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.