X

Hooyo adhigu waa qalan yahay mana garanayno waxa qalay: Qiso naxdinleh

Cabdi Faarax Warsame wuxuu qoyskiisa degan yahay meel magaalada Garoowe u jirta ilaa 120km wuxuuna sheegay in dhacdadaan xanuunka badan ee adhiga la qalaayo ay ku socotey reerka muddo 5 maalmooda kadib markey Ka soo guureen xero hore.


Subax kasta hooyo waxaan aragnaa adhigii oo qalan mana naqaano wax qalay waxaan kaga seexanay nabad ayay tiri hooyada reerka. Waxayse sheegtay in goobtaan ay soo degeen xilli aan sidaa u fogeyn.

Tan ugu naxdin badan ayaa ah in adhigii oo qalan la hordhigo guriga ama inta qayb ahaan laga soo gooyo guriga la hordhigo. Duacdooyinka moocana iyo kuwo la mida ayaa haysta qoysaska Ku nool dhulka miyiga ah.


Laakiin dhacdadaan ayaa ah mid aad u naxdin badan oo  hore u dhicin inta la ogyahay dhulka Somalida iyo weliba qaabka ay u dhacayso.

Cabdi ayaa xaaladiisa  si kastaba u eegay wuxuuna waayay Cid uu wax u gaystey oo aargoosi la daba socota. “Ilaa hadda ma garanayo wax aan dhinay iyo Cid aan wax u gaysanay ayuu yiri Cabdi Faarax.


Tan ugu daran ayaa ah ayuu yiri waxa la isticmaalayaa midiyihii reerka, ma arkayno  cida qalaysa waxaan aragnaa keliya midi dul taala waana u jeednaa in waxaani ahayn dad Bani Aadan ah.


Arimaha moocana ayaa waxa ku filan Quraankeena Rabi inoo soo dejiyay oo ay Ku sifeeyaan culimo ruug cadaaya oo Ku takhasusey shaydaanka noocana. Cabdi ayaa sheegay in culimo waaweyn dalbadeen laakiin aan la garanayn inay takhasus Ku yihiin arimahan.

admin:

This website uses cookies.