X

Cabi Axmed oo qaatay hal hayskii jaalle Siyaad

Raiisal wasaaraha Itoobiya ayaa deegaanada Itoobiya ee ayna ku jirin kan Somalidu ka hirgeliyay barnaamijka tabco dhulkaaga kaas oo uu ka soo qaatay Jaale Siyaad AUN. Barnaamijkan iskaa wax u qabso ayaa lagu dhiirigeliyay qoys kastaa inuu la soo baxo cuntadiisa.



Waxa gobolada Oromada iyo Axmaarada iyo kuwa Koofurta dalkaasi ka hirgalay barnaamijkan. Cabi Axmed oo booqday qoys gurigiisa ka beeray cuntooyin kala duway ayuu ku amaanay siday hawsha u galeen iyo guusha ay gaadheen.



”In qoys kasta isaga filaado dhinaca cuntada waa yoolka ay leedahay Itoobiya ayuu yiri Cabi Axmed oo dhawaan dalka soo galiyay mishiino casriya oo lagu goosto abuurka, inkastoo mishiinadaas ay qayb ahaan ka soo gaareen gobolka Somalida ee uu la haray Mustafe Cagjar.

Hal hayska Cabi Axmed ayaa lagu xasuustaa Jaalle Siyaad oo Somalida ku guubaabiyay inay dhulkooda tabcadaan ninkastana gurigiisa wax ka beero.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.