X

Cabi Axmed oo soo xerogeliyay urur Oromo ah oo dhiig badan daadiyay

Waxa garoonka magaalada Addis-ababa ka soo degay hogaamiyaha ururka xoreynta Oromada qaybtiisa Shiin. Ururkan oo aan iyagu qoriga dhigin ayaa dhiig badan daadiyay waxa dawladuna u aqoonsatey urur argagixiso.


Ururka ayaa dhawaan sheegay inay heshiis la galeen falaagada Tigreega ee TPLF ee ay reer galbeedku taageeraan, waxayse qirteen in heshiisku mid sidaa u weynayn oo afka ah maadaama aan ognahay sida TPLF u gashay Oromada.


Hogaamiyaha ururka Shiin ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu xuquuqda maqan ku raadiyo si nabada. Ururkan ayaa raba dawlada Oromo oo iskeed isku xukunta laakiin waxaad is weydiin kartaa halkaey u socdaan.

Masuuliyiinta soo dhaweeyay hogaamiyahan ayaa ugu baaqay kuwa akale inay nabada qaataan waxna ku raadiyaan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.