X

Dacwada badda oo go’aan laga soo saarayo bisha soo socota

Waxa go’aan laga soo saarayaa dacwada badda ee Kiiniuya ku qabsatay Somaliya bisha soo socota sida uu xaqiijay wasiir ku xigeenka Somaliya Mahad Guuleed. Dacwadan oo soo jiitamaysay muddo 6 lix sanno ah waxana Kiiniya isku dayday inay dhowr jeer dib u dhigto.


Weerarkii ugu dambeeyay waxay Kiiniya ku qaaday dawlada dhexe ee Somaliya waxase diidey madaxweynaha oo sheegay inaan gorgortan ka galayn hal taako oo ka mida dhulka Somaliyeed.

Waxa la ogyahay oo cidna ka qarsoonayn in Kiiniya oo uu ka dambeeyo Maraykanku aanu yeelayn in Somaliya si fudud faraha looga qaado badeeda, waana ta keentay in Kiiniya diido inay ka baxdo Kismaayo.


Si kastaba ha ahaatee waxa soo xirmaya boggan Kiiniya u haysatay ku qabso qadiomeyside. Somaiya waxa la gudboon inay hadda kadib isku diyaariso inay difaacato dhulkeeda.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.