X

Cabi Axmed oo wefti indha indheeya suuqa gubtey u soo direy Hargeysa

Raiisal wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay inuu walaaca la qaybsanayo dadka waxyeeladu ka soo gaartey dabka weyn ee ka kacay suuqa ugu weyn magaalada Hargeysa halkaas oo masaakiin badan ku waayeen xoolahooda.


Dabka ka kacay goobta ayaa welli olol ka baxaayaa 24 saac kadib. Suuqa oo ahaa isku raran muddo soo dhismaayay ayaa la waayay meel loo maro. Waxana jira shiki badan cida dabka bilowday.


Dadka qaar ayaa leh si ula kaca ayaa loo bilaabay halka kuwo kalana ay leeyihiin inay timi taxadir la’aan. Si kastaba ha ahaatee raiisal wasaare Cabi Axmed ayaa wefti u soo direy maamulka meesha joogta oo ah kan ugu xun maamul.



Cabi Axmed ayaa soo direy booyado ka caawiya dhinaca deminta dabka oo khasaare xoogan u gaystey suuqaas.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.