X

Mar haddii Doolarkii dhintey mala gaaray xilligii Somaliya lacagteeda

Waxa dhawaan suuqa ka bixi in adduunka badankiisu wax ku kalal iibsado doolarka iyo Yuurada reer Yurub kadib markii lacagihii la dhintey dalalkooda ee ku jirtey bangiyadooda ay xadeen. Dalalka Ruushka iyo kuwa kale oo lacagtooda saliida iyo gaaska ooli jirtey bangiyada reer galbeedka iyo Maraykanka ayaa la xaday ama la xanibay.


Dalalka xorta ah oo arkaya waxa dhacaya ayaa iyagu hadda wax ku kala iibsada lacagahooda, waxayna durba la yimaadeen nidaam saamaxaya in lays dhaafsado lacagahooda.


Haddaba Somaliya oo dhulka taala ma ku khasbi kartaa wadamada ay wax ka soo gadato inay qaateen lacagtaeeda dhulka taala. Taasi waxay abuuri kartaa inaya lacagteedu kor u soo kacado.


”Macqul ma noqonayso xilligan lagu jiro in la adeegsado shilin Somaliga waayo inta badan ganacsiga wax soo dejinta waxa sameeya ganacsato iskood wax u soo iibsanaya ee ma jirto wax dawladi leedahay ayuu qabaa Cali Calasow.



Waase macquul mustaqbalka dhow waayo waa sida keliya ee kor loogu qaadi karo shilin Somaliga ayadoo magac ku haboon loo bixinayo lagana bedelayo magacaan aan taariikhdeena shaqo ku lahayn.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.