Raiisal wasaaraha Itoobiya Cabi Axmed ayaa soo gaaray caasimada dawlada Somali galbeed xilli ay ka socoto doorashada lagu dooranaayo gudoomiyaha xisbiga iyo madaxa Somali galbeed. Waxa ilaa hadda u sharaxan xubno aad u farabadan oo dhamaantood ku hadla af-axmaariga.
Waxa gabogabo ku dhow doorashada gudoomiyaha iyo madaxa Somali galbeed oo si xawliya uga socota Jigjiga oo hadda la doortey gudiga fulinta. Cabi Axmed ayaa la sheegay inuu taageersan yahay wasiirkiisa maaliyada inuu ku guulayato gudoomiyaha halka jagada madaxa dawlada tartan adag ka jiro.
Cabi Axmed ayaa dhinaca kale kulan la qaadan doona madaxda Somalida xilli deegaanka ay ka jirto xasilooni lagu faani karo. Inta badan waxqabad la’aanta ayaa ka imanaysa dhinaca madaxda deegaanka.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS


Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay