X

Cabi Axmed wuxuu yiri Farmaajo ayaa iiga muhiimsan Trump: Wasiir Axmed Cawad

Farmaajo ayaa iiga muhiimsan Trump. Wasiirka arimaha dibedda Somaliya Axmed Ciise Cawad ayaa warkaas u sheegay xildhibaanada aqalka sare ee aan la garanayn shaqada ay shacabka u hayaan.


”Waad ka war heysaanbaan u maleynayaa xiriirka dalalka dariska waa soo xoogsanayaa, aad ayaan isugu soo dhowaaneynaa, waxaad ka arkeysaan isu socodka badan, Soomaaliya markii ugu horeysay waxaa ay horey uga jirtaa isu soo dhoweynta gobolka ayuu yiri Axmed Cawad.


Waxaad arkeysaan kala yaacii dalalka qarakood ay nagu sameyn jiree iyo buuqii inuusam jirin, oo hadda Itoobiya, Eriteriya, jibouti iyo Kiiniya kulligood ixtiraamayaan.

Waayo Trump waxyar buu ii dhimi karaa ama isiin karaa, laakin Soomaaliya ama waa isla dageynaa ama waa isla koreynaa, marka wuxuu yiri, Soomaaliya ayaa aad iiga muhiimsan, annaguna sidaas ayaan u aragnaa”.

C/llaahi WArmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.