X

Haweenaydii uu guursan lahaa Jamaal Khasooqi oo si qiiro leh uga hadashay dilkiisa

Haweenaydii uu guursan lahaa Jamaal Khasooqi ayaa si qiiro leh uga hadashay dilkiisa. Jamaal Khasooqi ayaa lagu xasuuqey qunsuliyada Sucuudiga ilaa hadana gacsan ku dhiigle Salmaan waa diidan yahay inuu keeno meydkiisa.


Wuxuu kaloo diidan yahay inuu gacanta Turkiga u soo geliyo ragii uu u soo direy inay xasuuqaan. Turkiga ayaa ilaa hadda haya sheega cida bixisay amarka lagu diley suxufi Khasooqi.

Haweenaydan oo la qadar jabiyay ayaa tiri ” ma rumeysan dilkiisa ilaa Sucuudigu sheegteen inay dileen isla markaana dilkiisa ay sii qoondeeyeen.


Nolosheyda sidey ahayd ma qiyaasi karo, xataa ismaanaan oran macasalaama, hurda la’aan iima yara, weligeyna kuma fekeran inuu ka soo noqon waayo qunsuliyada.

”Anaga dartayo ayuu u galay hogaas lagu xasuuqey ayay tiri Xaatas oo oohin ku soo joogsatey indhaheeda. Waxay ka codsatey aduunka inay gacan siiyaan Turkiga sidii gacan ku dhiigleyaasha Sucuudiga gacanta loogu dhigi.


Aduunka xorta ah ayaa dalbanaya in la abaal mariyo Sucuudiga la saarana cunaqabateyn fiican ayadoo in muddo ah loo daayay xasuuqa uu ka wado aduunka Muslimka iyo argagixisada uu maalgeliyo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.