X

Cadho ka dhalatey shir lagu qaybsanayo batroolka dalka oo London ka furmaya

Cadho xoogleh ayaa ka dhalatey shir lagu qaybsanayo batroolka Somaliya oo la geeyay Ingiriiska. Shirkadaha Ingiriiska ee soo saarista batroolka ayaa noqon doona kuwa ugu horeeya ee jaqa nimcada dalka xilli Inguriisku ka shaqaynayo sii kala qaybinta dalka.


Dhawaan ayay ahayd markii wasiirka difaaca ee Ingiriisku booqdey Hargeysa asagoo aan booqan Muqdisho taas oo loo arkey shirqool.

Ingiriiska oo taariikh madow ku leh Somalida ayaa ilaa haddana ka mida kuwa ugu horeeya ee diidan in Somaliya lugaheeda ku istaagto asagoo qaramada midoobey u gudbiya qaraaro lagu xanibaayo in dalka laga qaado cunaqabataynta.


Waxa la yaab noqotey Ingiriiska oo ku taagan hal lug markey noqoto qadarinta midnimada iyo xoojinta dhulka Somaliyeed in gacanta loo geliyo kheyraadka dalka ee mustaqbalka.

“Waxaan aad u cambaaraynayaa shirkaas dawladu gaysay Ingiriiska ee diidan in Somaliya lugaheeda ku istaagto ayuu yiri xildhibaan ka tirsan aqalka sare.


Waa nasiib daro ayuu raaciyay in gaalkii ugu weynaa ee ka shaqeeyay dhibkeena aan xeradiisii ugu tagno oo aan hordhigno kheyraadkeenii.

Waxa jirey shirkad Ingiriisa oo buga oo hore Xasan Sheekh ama Sheekh Shariif u siiyeen inay urursato macluumaadka kheyraadkeena, taas oo ka mida kuwa raba inay iibsado macluumaadkaas sharciyan dawladu leedahay.


Somaliya uma baahna xilligaan casriga ah in batroolkeeda la qaybsado ayadoo la soo saarinba weliba kii sidan inoo galay gacanta loo geliyo ayuu yiri Cali Warsame oo Muqdisho jooga.

Dhinaca kale Farmaajo ayaa sheegay in dawladu London la tagtey si ay u soo bandhigto macluumaadkii shirkadaa bugta ah ka aruursatey baddeena. Shirkadaha jooga ayaa waxa u badan kuwa buga.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


u

admin:

This website uses cookies.