X

Xildhibaano gaaraya 12 oo xasaanada lagala noqdey

Xildhibaano gaaraya 12 ayaa lagala noqdey xasaanada dawlada Somali galbeed oo uu ku jiro ku xigihii Cabdi Iley mudadii kala guurka. Xildhibaanadan oo haween badan ku jiraan ayaa lagu helay inay ka qaybqaateen jirdilka iyo tacadigii lagu hayay shacabka.


Waxa kale oo lagu eedeeyauy inay ku kaceen musuqmaasuq ba'an oo caadi ahaa markii Cabdi Iley joogey maamulka.

Waxaana kamid ah mas’uuliyiinta xasaanadda laga qaaday afhayeenkii hore ee baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Maxamed Rashiid Isaaq.
Ahmed Abdi (ilka case)
MARWO Sucaad ahmed Faarah
Mohamed Rashiid Isaaq.
Marwo Fartuun.
Mohamoud Heeryo.
Marwo Ayaan Gulaandhe.
Abdi Mahad.
Khadar Dheere.
Abdi Haliim.
Marwo Maajida.
Xildhibaan Miig.
Marwo Nasra Hassan.

Warbixintii Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.