X

Cali Gurey waxaan leehay Muuse Biixi waa kii aad hore noogu sheegtay hadda dib noo bari maysid

Signature --- Image by © Royalty-Free/Corbis

Asc Dhamaan Akhristayaasha Sharafta leh, Siyaasi Cali guray oo Ahaa Ragii aan ugu Hanweynaa Siyaasiyiinta Somaliland ee aan is lahaa waa Nin ka Nadiifa Caadifad, Qabyaalad, Hunguri iyo wixii la mida ah. Ahaana Nin Aad ula Socon jiray Maqaaladiisa. Ayaa waxaan ku arkay is bedelo badan mudo yar gudahood iyo hadalo is khilaafaya.

Mudo dheer Cali guray wuxuu reer Somaliland u sheegayay Inuu isagu (Muuse ugu Aqoon badan yahay, Ugana digayay in muuse Madaxweyne noqdo. Yahay nin Askariya, Macangag ah, Dulqaad yar, Dad isku wadi karin.

Haduu muuse Qabsado wadankana lagu kala tegayo,) waa hadaladii cali guray.
Waxa ku xigtay (Markaan arkay wadani oo Rag isugu tegey ayaan kan Muuse ee Cidlada Taagan aan is idhi la joog.)
Waxa kale oo uu yidhi (Muuse Gidaar kama dhalan Oo Macnaheedu yahay Qabiil baan ku Raacayaa.)

Intaas Oo dhacday Hadana Labo cisho Ka hor ayaan waxaan Daawaday Cali Guray oo amaanaya Muuse biixi oo leh Qabyaalad kumaan Raacin xisbina kuma Raacine halkuu joogo Rafaad buu u soo Maray waana nin Hal adayg leh.

Waxaan leeyahay Cali Waxaad Doonto Ku Raac Muuse Biixi adigay ku jirtaa,
Laakiin Dadka Reer Somaliland Sidaad Hore ugu sheegtay bay Muuse ka Haystaan. Shacabka Reer Somaliland Ha Moodin Caruurtaad Facebook Waxaad Doonto Ugu sheegto.
Waxaan Aad ugu Hambalyaynayaa Saxaafada oo Magacaaga Ka reebtay Mujaahid oo Hada kuugu yeedha siyaasi Cali Guray.

Idiris adam
london uk

admin:

This website uses cookies.