Waftigii uu hogaaminayay Cali Khaliif oo isku dhiibey maamulka Siilaanyo ayaa wararku sheegayaan in diyaarad uu la socdey loo diidey in ay ka soo degto Buuhoodle.
Waxaana wararka imika naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ayaa sheegay in Cali Khaliif iyo waftigiisii ka soo degeen magaalada Laascaanood oo shalay laga sugayay.
Dhawaan ayay aheyd markii ciidanka Khaatumo ee saxda ah ka diideen Cali Khaliif in uu isticmaalo garoonka Buuhoodle mar hadduu isku dhiibey Siilaanyo.
Cali Kjhaliif ayaa ku dhow in uu si toosa u fashilmo isagoo u guryo hoyday maamulka Siilaanyo ee dadkiisa dagaal kula jirey.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay