X

Cambaareyn dusha looga tuurey badhasaabka Awdal oo xirtey laba weriye

Laba weriye oo ka tirsan saxaafada xorta ah ee gobolka Awdal ayaa badhasaabka Awdal ee Muuse Biixi soo magacaabay uu jeelka u taxaabay. Ilaa hadda lama garanayo waxa labadaas weriye ay galabsadeen ayuu yiri Qaasim Ismaaciil oo Boorama.


Hadda waxa socota ha hadlin, waxaanan ognahay in weriyuhu xaq u leeyahay inuu ka hadlo waxa jira laakiin intii Muuse Handaraad qabsatey maamulka waxa batey dadka jeelka lagu gurey.

Labadaan weriye oo lagu magacaabo Farxiya Yaasiin Buuni (Lucky) iyo Axmed Muuse Sh Xasan (Buudhi) oo ah laba dhalinyara ayaa u xiran badhasaabka labadii maalmood ee u dambeeyay.


Waxana muuqata in aan loo marin dhabihii sharciga ahaa. Inta badan waxa loo xiraa hadal ay qoonsadeen oo xataa aan mudneyn xadhig ee kaliya u baahan is-difaacid.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.