Canab Maxamed Daahir waa haweenay firfircoon oo degan Maraykan hadana rabta in ay madax ka noqoto dalkeeda Hooyo. Waraysi ay bixisey ayay ku sheegtay in ay rabto in dalkeeda ka noqoto hogaanka ugu sareeya isku soo tagto musharxanimada dalka doorashada la filayo 2016. Hadaba Canab maxaa ku kalifey in ay isa soo taagto iyadoo dalka ay ka jirto fowdo iyo kala dambeyn la’aan kadib burburkii, waxaad kaga bogan kartaa waraysi ay bixisey.
Canab waxaa ay caawisaa carruurta iyo haweenka,waxaana ay barnaamijyo samafal ka fulisay gudaha dalka,balse xilligan waxaa ay sheegtay inay soo shaac bixisay hami ku jiray illaa yaraanteeda oo ay ku doonaysay mar uun inay isku sharaxdo xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Canab waxaa ay muddo dheer ku nooleyd dalka Marekanka sanadkii 2013 ayay ku laabatay Soomaaliya,xilliga oo ay sheegtay inay ku soo aragtay dhibaatoyin badan oo haysata dadka Soomaaliyeed,waana sababta ugu weyn ee waqtigan ay ku doonayso inay ka qayb-gasho doorashada dhacaysa toddobo bilood kaddib.
Haweenaydan waxaa ay aaminsan-tahay dumarka Soomaalida inay ku haboon-yihiin waqtigan in lugu tijaabiyo hoggaanka dalka,waxaana dadka Soomaalida ay ka dalbaday in lugu taageerro masharran-nimadeeda.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay