Iyadoo Kiiniya si toosa faraha ugila jirto arimaha gudaha ee Somaliya ayna u tafaxaydatey sidii dawlada hadda jirta u mijaxaabin lahayd ayaa waxa dhawaqa ka soo yeeraya dawlada Somaliya maqley ururka Carabta, waxayna ka soo saareen digniin.
Kiiniya ayaa daraad u yeertay horjoogaha Somaliya sheegtayna inay u isticmaali doonto sida Axmed Madoobe, ayadoo sida kale ay rabto inay xarun ka furato Hargeyusa oo ay joogaan kumanaan JKiiniya u dhalatey oo sita digriiyo buga, hoobsadayna shaqooyinkii dhalintu qaban lahayd.
Haddaba qoraalka ka soo baxay ururka Carabta ayaa suidan u dhignaa.
” Diidmada dhammaan faragelinta ay qaar ka mid ah dalalka dariska la ah Somaliya iyo qaar gobolka ah isku dayayaab iney carqaladeeyaan hawlaha doorashada la iskugu afgartay qaab dastuuri ah ayaan ka digeynaa”. ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Baarlamaanka Jaamacada Carabta.
Barlamaanka Carabtu wuxuu taageerayaan amniga, midnimada iyo qaranimada dhul ee Jamhuuriyada Somaliya., Hadalkaas oo toos ugu socda Uhuru, Imaaraadka iyo dawladaha kale ee taageersan gooni goosadka.
C/llaahi Warhayre
ARAABINEWS