X

Uhuru oo ka hadlay wuxuu ugu yeeray horjooge Muuse Biixi

Kiiniya ayaa daraad u yeertay horjoogaha maamulka Somalilaan ee ay hoosta ka taageeraan, wuxuuna Muuse Biixi tagey Isla maanta xarunta Kiiniya ee Nayroobi halkaas oo Uhuru u direy cid soo dhawaysa.


Afhayeenka Uhuru oo faahfaahiyay waxay ugu yeereen horjooge Muuse Biixi ayaa ku tilmaamay “wadatashi” uuna sii faahfaahin. Kiiniya ayaa hore u sheegtay inay sida Axmed Madoobe ula dhaqmi doonaan Muuse Biixi.

Farogelintan qaawan ee Kiiniya ku hayso arimaha gudaha ee Somaliya waxa ku taageersan kooxda madasha musharixiinta ee Kiiniya ku rajoweynahay inay xukunka kala wareegaan madaxweyne Farmaajo.


Fariinta ay Kiiniya direyso ayaa ah waan haystaa cad aan goosto, ayadoo ku soo beegtay xilliga ay horjoogahan aan taageero ka haysan dadka ku nool Burco iyo Hargeysa xilli Somaliya ay ku fekerayso inay Kiiniya ka saarto dalka.

So kastaba ha ahaatee Kiiniya ayaan u hayn ictiraaf kooxda horjooge Muuse Biixi inkastoo Ingiriisku hore ugu qasbey inay u bilowdo.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.