X

Caruur argagixisadu rabtey inay adeegsato oo gacanta lagu dhigey: SAWIRO

Waa caadi in argagixisada dhiigmiiratada ah ay adeegsadaan dadkeena kuwa ugu nugul sida dadka waaweyn, haweenka iyo Caruurta si ay ugu fushadaan hawlahooda gaalaynta iyo xasuuqa Muslimiintaas ay gaaleeyeen.


Haddaba maamulka degmada Cudur ee gobolka Bakool ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen ama soo qabteen caruur ay argagixisadu rabtey inay adeegsato.

Gudoomiyaha dhinaca amniga ee degmada Xudur oo la hadlaayay saxaafada ayaa sheegay in sagaal (9) caruura ay gacanta Ku soo dhigeen. Caruurta ayaa argagixisadu askaraysay.


Wuxuu xusey in caruurta la askareeyay laga soo qabtey xarun tababar oo argagixisada ku lahayd deegaanka Doodaali, waalidkii dhalayna si qasaba looga soo watey.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.