X

Caruur ku dhimatey bariga gobolka Galguduud iyo sida wax u dhaceen

Caruur ku dhimatey bariga gobolka Galguduud gaar ahaan tuulooyin hoostaga Ceelbuur. Dhimashada ayaa la sheegayaa inay tahay laba halka dhaawacuna yahay laba iskuwada qoys ah.



Caruurta ayaa u geeriyootey miino ay heleen kadibna ay ku bilaabeen garaacis taas oo la kacdey. Miinadan ayaan la garanayn cida ku aastey waxase loo malaynaya inay tahay mid argagixisadu kaga tagtey.



Labada Caruurta ah ee dhaawacantay ayaa lageeyay  isbitaalka Magaalada dhuusamareeb ee isla Gobolka Galgaduud si halkaasi loogu daaweeyo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.