X

Caruur ku dhimatey guri ku soo dumey magaalada Muqdisho: SAWIRO

Kadib roob xooganaa oo ka da’ay Muqdisho ayaa waxa dadku sheegayaan inuu sababay in guri ka mida kuwa qadiimiga uu ku soo dumey dadkii ku jirey oo ay ku jiraan afar caruura iyo aayadood.


Sida lagu soo waramayo goobta ay caruurtani ku dhinteen ayaa ah xaafad inta badan roobku soo galo, oo maamulada magaalada soo mara ayna waxba ka qaban.

Dadka jaarka la ah ee u gurmadey caruurtan ayaan nolol ku gaarin aadna uga naxay mashaqada halkaas ka dhacdey. Xaafada oo ku taal Wadajir ayaa inta badan la gali karin xilliyada roobka maadaama biyo fadhiisteen.


Roobkii xalay magaalada ayaa watey onkod iyo dabaylo isla markaana dhigey biyo aad u farabadan ayadoo wadooyinka qaar noqdeen webi oo kale.


Hoos ka fiirso wadooyinka qaar oo noqdey webi

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.