X

Haweenay Talyaani ah oo laga soo furtey Somaliya oo si weyn loo soo dhaweeyay: SAWIRO

Ciidamada Somalida iyo kuwa Turkiga ayaa iska kaashaday haweenay Talyaani ah oo markii hore laga soo afduubey Kiiniya laakiin maanta laga soo furtey magaalada Muqdisho. Kooxda afduubatay oo ilaa hadda aan is cadayn ayaa lagu sheegay inay ahayd argagixisada shabaab inkastoo ayna sheegan.


Ciidamada sida aadka u tababaran ee Somalida iyo kuwa Turkiga ayaa hawlgal ku aday halka lagu bartilmaamay waxayna soo furteen haweenayda lagu magacaabo Silvia. Haweenayda oo dharka haweenka Somaliyeed xirtaan hoos ka qabta iyo maro weyn oo kale ayaa waxa dalkeeda ku soo dhaweeyay raiisal wasaaraha dalkeeda iyo qoyskeeda.


Dayuurad gaar ah oo Silvia ka qaaday Muqdisho ayaa ka degtay garoonka caasimada Talyaaniga ee Roma. Waxa diyaarada soo dirtey dawlada Talyaaniga.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.