X

Caruur qaar walaal yihiin oo ku dhintey deegaanka Mareer ee gobolka Mudug

Caruur qaar walaal yihiin ayaa ku dhintey deegaanka Mareer ee gobolka Mudug. Deegaanka Mareer oo qiyaastii degmada Jariiban u jira 35Km ayaa Saddex Caruur ah oo Labo kamid ah Walaalo yihiiin ay ku geeriyoodeen kadib markii ay ku dhaceen barkad.

<

p style=”text-align: justify;”>Maamulka degmada Jariiban ayaa xaqiijiyay in Carruurtaasi ay isku dayeen in ay biyo ka cabaan Barkadda ka dibna ay ku dhaceen. Barkadaha ayaa inta badan laga tagaa ayadoo afku banaan yihiin ama loo samayn deyr.

Labada caruur ee geeriyooday ayaa ahaa wiilal halka gabadh la socotey iyada la soo badbaadiyay oo hadda la sheegay in lala tacaalayo xaaladeeda.


Gurmad deg dega o loo galay ayaa keenay in gabadhaas nolol lagu gaaro. Caruurtan ayaa da’doodu ka yartahay 14 jir.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.