X

Caruur walaalo ah oo ku dhintey deegaan ka tirsan Somali galbeed

Wararka ka soo baxaya deegaan ka tirsan Soomaali Galbeed oo lagu magacaabo Laasacaanood oo hoostaga Shilaabo ayaa sheegaya in sadex caruuura oo walaalo ah ay ku dhinteen halkaas sida ay ku warameen dadka deegaanka.


Caruurta ayaa loo direy xoolo ama la jirey kadib markii sida la sheegay ay xoolaha u arooriyeen barkad biyo ka buuxaan kadibna ay kuwa wada dhaceen halmar. Waxa jirey dadaalo loogu gurmadey si loo badbaadiyo laakiin laguna guulaysan.


Sadexda Caruurta ee dhintey ayaa da’diisu u dhaxaysay 4jir  aguiyo  nagacaabaa7 jir, waxana lagu magacaabi jirey Xongor Iraad Cabdi, Saadiq Cali Cabdi iyo Jaamac Iraad Cabdi.


Dhimashada Caruurta ayaa aad looga xumaaday, waxana lagu eedeeyay waalidka dhalay inay gabeen masuuliyadii Caruurta halka maamulka deegaankana lagu eedeeyay inay hawshooda qabaan qaateen.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.