Waxa ka furmay magaalada Dubaay ee Imaaraadka Carabta carwada cuntada oo sanadwalba la qabto. Sanadkan ayaa waxa ka qaybgakay 5 kun oo shirkadood oo ay ku jiraan 40 shirkadood oo Somalu ah oo soo bandhigey cuntooyin farabadan oo Somalidu caan ku tahay.
Waxa uu bandhiggan socon doonaa illaa 22-ka bishan, iyadoo uu furay wasiirka ganacsiga ee dalka Imaaraadka Sheekh Hamdan Bin Rashid.
Hay’adda Geel oo magac Somali ah laakiin dabada ay ka riixayso hay’adda caawimada ee Maraykanka ayaa ganacsatada Soomaaliyeed u fududeysay inay halkaasi ku soo bandhigaan wax soo-saarkooda, iyadoo dalagyada dalka u raadineysa suuq wanaagsan, ganacsatadana ku dhiirogelineysa iney kordhiyaan wax soo-saarkooda.
Somaliya ayaa ah dal dihan oo kheyraadkeeda aan la taaban iskuna filan oo an u baahneyn inay dibedda wax ka soo dhoofsato.
Rashid Ceelaanyo
ARAABIBEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay