08/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Cashada Muuse Biixi Ee Caawa Ma Dawayn Doontaa Cadhada Saylici

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Caawa magaalada Hargeysa casho sharaf ugu samaynayaa ciyaaryahanada Xulka Gobolka Awdal ee Hantiyey Horyaalka Ciyaaraha Kubada Cagta ee Gobolada Somaliland ee shalay lagu soo gabo gabeeyey Magaalada Hargeysa.

Kulanka casho sharafta ah ee Muuse Biixi Cabdi ku marti qaaday Ciyaaryahanada Gobolka Awdal ayaa ku soo beegmaysa Xilli uu khilaaf ka dhex taagan yahay Muuse Biixi iyo C/raxmaan Saylici oo u wada sharaxan Doorashada 2017 horaantiisa la filaayo in ay ka dhacdo Dalka.

Khilaafka Muuse Iyo Saylici ayaa gaadhay Heer aanu booqan Muuse Biixi Dhawaan markii uu lugta dhaawac ka soo gaadhay Madaxwayne Ku xigeenka taasi oo haatan xaalad caafimaad loogula maqan yahay dalka Dibadiisa.

Hadaba cashada Caawa ee Muuse Biixi ugu baaqay Ciyaaryahanada Reer Awdal ee Tabaya Booskii maamuus ee ay ku lahaayeen Madaxwayne ku xigeenka Gobolkooda ka soo jeeda ayaa waxa kafaalo qaaday Musharaxa ay is khilaafsan yihiin balse arintani ma noqon doontaa mid daawo u ah khilaafka siyaasadeed ee labadan musharaxa ka dhex aloosan.

Geesta kale marti qaadkan cashada ah ayaa waxa la filayaa in uu ka baaqdo Muuse Biixi Cabdi oo isagu sameeyey,

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS