10/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Cashuur badan oo laga qaadi jirey qaadka oo u gacan galay maamul jufeed

Cashuur badan oo laga qaadi jirey qaadka oo u gacan galay maamul jufeed kadib markii maalintii labaad qaadka uu ka soo dego magaalasda Jowhar.

Maamul Jufeedka Hirshabeelle ayaa la wareegay maalintii labaad cashur bila xisaaba ka qaadaya qaadkii Muqdisho ka soo degi lahaa taas oo lacagtaasi u gacangalayso dad aan kui habooneyn.

Ganacsatada Qaadka intooda badan ayaa qaatay go’aan ay diyaaraha Qaadka uu wareejiyeen garoonka magaalada Jowhar oo shalay iyo maanta uu kasoo degay Qaadkii imaan jiray Muqdisho.

Gaadiid badan oo ka baxay Muqdisho ayaa Qaadka kasoo qaada magaalada Jowhar, waxayna wararku sheegayaan in canshuur jaban uu maamulka Hirshabeelle ka qaado ganacsatada Qaadka.

Lama garan karo go’aanka ay ka qaadi doonto wasaarada maaliyadu o hawshan u xilsaaran.

C/llaahi Warmooge

ARAANINEWS