24/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Casuumad safaarada Ingiriiska u fidisey Somaliland dhalashada boqorada oo hal beel lagu tagey yaase ka mida: SAWIRO

Boqorada oo baarka ka jartay sagaashan sannadood, dalkaana boqorad ka ahayd muddo 64 sano ah, ayaa waxa xuska dhalashadeedu ka dhacay meelo badan oo ka baxsan boqortooyada dalka ingiriiska, sida Kanada iyo Ustaraaliya (Canada and Australia) oo ay iyagana boqorad u tahay, waxa kale oo uu dabaaldegeedu ka dhacay dalalka barwaaqo-sooranka (Commonwealth).

Wefti balaadhan oo ka socda dawladda Somaliland qaybeheeda kala duwan ayaa lagu martiqaaday xuskan oo ka dhacay safaaradda dalka Ingiriiska ee dalka Itoobiya, ka dib markii safiiradda dalka Ingiriiska ee dalkaasi ay martiqaad rasmiya u fidisay masuuliyiin sare oo haatan ku sugan magaalo madaxda dalka Itoobiya ee Addis-ababa, kuwaas oo isugu jira kuwo dalkaasi socdaal shaqo ku joogay iyo weftigii xukuumadda ee socdaalka ugu baxay dhawaan dalka Turkiga, kuwaasoo kala ah:-

  1. Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka, Garyaqaan Aadan X. Cali Axmed
  2. Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ahna Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga, Mudane, Muuse Biixi Cabdi.
  3. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire
  4. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi
  5. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Mudane Cali Maxamed Warancadde iyo
  6. Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Garyaqaan Xasan Axmed Aadan

Weftigu waxay boqorada ingiriiska u gudbiyeen hambalyo ku aaddan sanad guurada sagaashanaad ee dhalashadeeda, taas oo ay kaga wakiil ahaayeen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo shacbiga Somaliland, waxa kale oo ay hambalyadaas oo kale u direen dawladda Ingiriiska, oo ay si gaara uga mahadceliyeen guud ahaan taageerada iyo kaalmooyinka ay boqortooyada Ingiriisku siiso dawladda Somaliland, iyo xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska oo ku dhisan dano wadaag, ahna mid adag.

Weftigu intii ay joogeen caasimada addis-ababa waxay kulamo la yeesheen danjireyaasha, dalalka Afrika u fadhiya Addis-ababa iyo safiiro kale oo dalalka caalamka ah, kuna sugan halkaasi kuwaas oo ay sharax dheer ka siiyeen geedi socodka dimuquraadiyada Somaliland, iyo qadiyadda la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Somaliland Mudane Warancade oo socdaal shaqo ku joogay Itoobiya ayaa kulamo wakhti dheer socday la yeeshay masuuliyiinta dhinaca amniga u qaabilsan dawladda aynu deriska iyo saaxiibka nahay ee Itoobiya, kuwaas oo ku saabsanaa sii xoojinta amniga mandaqada, gaar ahaan tan labada dal iyo xoojinta xidhiidhkii wada shaqayneed ee labada dal mudada dheer wadaagayeen, halka musharaxa madaxweynaha ee xisbiga kulmiye, ahna gudoomiyaha xisbigaasi, uu socdaalkiisa Itoobiya ka mid yahay socdaalo uu ku galaa-baxayo dalalka Bariga Afrika.

Warkii ka soo baxay xafiiska Siilaanyo oo sida kore u qornaa.

aw qaee esaa