X

Cawaaqib xumada ka dhalata waxa iska leh gudoomiyaha barlamaanka: Gudoonka

Cawaaqib xumada ka dhalata waxa iska leh gudoomiyaha barlamaanka. Waa hadalkii labada gudoomiye ku xigeen ee barlamaanka Somaliya oo ka hadley talaabada uu ku kacay gudoomiyaha barlamaanka.


”Aan eegno halka uu geeyo soo jeedinta iyo cida ka qabata maadaama ayna jirin maxkamad sharci ah oo uu geyn karo Gudoomiye Mursal ayay yiraahaan ku xigeenada gudoomiyaha.

Anagaa hawshan uga horeynay ee hana waraysto waa hadduu rabo in sharcigu shaqeeyo haddii kale hanoo soo noqdo marka carada ka ba’do ayay raaciyeen.

Gudoomiye Mursal ayaa shaqadiisu tahay inuu soo gudbiyo hawlaha dawlada si looga doodo waxase muuqata inuu waqtiga ku luminaayo soo jeedino aan meelna gaarayn ayay yiraaheen xildhibaano ka caraysan waqtiga dawlada uga dhacaya soo jeedino lacag lagu raadinaayo.


Sheekada soo jeedinta ayaa hore u fashilnatey waxayna tahay in lacag lagu cuno kaliya, lacagtaas oo ay u baahan yihiin shacabka Somaliyeed ee baahan.

Dawlada ayaa muddo ka nasatey carqalado lagala horyimi markii ugu horeysayba, ayadoo siyaasiyiin ku xiran Sucuudiga, KIiniya, iyo Imaaraadka ay bilaabeen laakiin ay ku fashilmeen.

Yaa soo dhaweeyay go’aanka gudoomiyaha barlamaanka

Waxa aad u dhaweeyay go’aanka gudoomiyaha barlamaanka uu ku qabtey soo jeedin aan meelna gaarayn labada horjooge ee xilligoodu dhamaanayo ee Cabdiwelli Gaas iyo Axmed Madoobe.

Warkii ugu dambeeyay ee soo jeedinta ayaa gudoomiye ku xigeen Axmed Cawad sheegay in xildhibanadu ka fogaadaan inay shirar ku qabsadaan golaha.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.