X

Wasiirka Dr C/raxmaan Beyle oo faahfaahiyay sida deynta looga cafinayo dalka

Wasiirka maaliyada Dr C/raxmaan Beyle ayaa faahfaahiyay sida deynta looga cafinayo dalka. Wasaaradda maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa n uu heshiis la gaaray Hogaanka Wold Bank,taasoo ku aadan in sare loo qaado dhaqaallaha Soomaaliya si uu dalku u gaaro isku filnaansho.


Wasiirka ayaa xusay in  Hay’adda IMF ay waddo dadaalladii ugu dambeeyay ee Soomaaliya looga cafin lahaa deynta lagu leeyahay si dalka uu helo dhaqaallo lagu dhiso kaabayaasha dhaqaallaha Soomaaliya.


Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa yiri ”Maanta waxaan ka hadlay guusha aan ka soo gaarnay shirkii aan IMF kula soo galnay magaalada Nairobi, Madaxda IMF ee aan la shirnay waxay inoo cadeeyeen inaan ka soo baxnay shuruudihii na horyaalay, isla markaana aan cagta saarnay wadada rasmiga ah ee lagu gaarayo deyn cafinta Soomaaliya.”


Dawladan ayaa ku guulaysatey inay qaado wado hufan oo dib loogu soo nooleynayo in la aamino madaxda dalka markii ugu horeysay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.