X

Ceelasha shidaalka ee dhulka ismaamulka Somalida oo xariga laga jaray: SAWIRO

Ceelasha shidaalka ee dhulka ismaamulka Somalida ayaa xariga laga jaray. Itoobiya oo qandaraas ku siisay shirkad Shiine ayaa ku guulaysatey in laga helo shidaal. Waxana la filayaa in laga dhoofiyo dekedda Jabuuti sida qorshuhu yahay.


Warshada sifeysa batroolka ayaa laga hirgeliyay Itoobiya si loogu sifeeyo tijaabada ugu horeysa. Dhuunta shidaalkan ayaa sii mari doonta deegaano ay ka mid yihiin ARAABI iyo Jabanta waxana la rajaynayaa inay noqdaan kuwo lagu horumariyo kharashka ka soo baxaya shidaalka oo balaayiina.


Raiisal wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay inuu rajaynayo in shidaalku noqon mid dagaal horseeda ee uu noqdo mid nabad keena, dhul hadda aan biyo jirina sida deegaanada Jabanta ay biyo helaan.

Shidaalkan ayaan ilaa hadda la ogeyn sida loo qorsheeyay iyo in laga dulboodi doono dadka deegaanka iyo goobaha dhuumuhu marayo.


 

mMaxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.