November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Cidkale oo aan naqaan ma jirto aan ka hayn dawlada dhexe ee Somaliya: Maraykanka

Cidkale oo aan naqaan ma jirto aan ka hayn dawlada dhexe ee Somaliya. Dawlada Maraykanka ayaa si cad oo gabasho lahayn u sheegtay mowqifkeeda ku jeeda Somaliya uuna yahay inay jirto hal dawlad oo ay aqoonsan yihiin.



Wejigaxan aya imaanaya xilli maamulka Somaliland ay Maraykan u dirtey wakiilkeeda arimaha dibedda. Maraykanka aya hore u isticmaali jirey sheekada laba maamul hadase sheegay inay waxaasi jirin.



Isbedelka Maraykanka ayaa lagu tilmami karaa laba arimood. Mid ku saabsan burburka ku dhacay xasiloonidii beesha dhexe markii Jeegaantu Meesha timi jabhadana dilaaceen.

Waa ta labaade danaha Maraykanka oo ka weynaadey danaha mamul goboleed ayna la sax noqotey in ay la macaamilaan dawlada taagta daran ee Muqdisho ka dhisan.



”Anaga maaha dadka ku haboon ee ka doodi kara in maamulka Somaliland go’do waxase haboon in lagaga halkii ku haboon ayuu yiri danjiraha Afrika Tibor Nagy.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS