Qoryooley–Ciidamada Amisom qaybtooda Burundi ee ku sugnaa Qoryooley ayaa la soo sheegay in ay ka baxeen halkaasi oo ay hadda ku sugan yihiin deegaan aan sidaa uga fogeyn iyadoo la sheegayo in argagixisada shabaab ay iyadna ku sugan tahay deegaan aan ka fogeyn Qoryooley. Dadweynaha magaalada Qoryooley ayaa hadda ku sugan cabsi iyagoo ka baqaya in argagixisadu soo gasho.
Sanadkan horaantiisii ayay ahayd markii la joojiyay dhaqaalihii la siin jirey ciidamada Burundi ee jooga Koofurta Somaliya sababo la xiriira qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira dalkaasi iyadoo laga baqayo in lacagta la siiyo ciidanka Burundi ay gacanta u gasho madaxda dalkaasi.
Booska ay baneeyay ciidanka Burundi ee Koofurta Somaliya ayaa waxa la wareegi doona ciidamada Amisom ee ka socda Itoobiya oo ka tayo fiican kuwa Burundi iyo Yugandha.
Dabayaaqada bishan Luulyo ayaa la filayaa in ciidamada Itoobiya ay dhamaan la wareegaan gobolka shabeelaha hoose e ay ka baxeen ciidamada Burundi.
Hadaba in Ciidanka Burundi ka baxaan Soomaaliya ma ahan mid ay keentey weeraradii todobaadkaan lagula beegsadey deegaanada Leego ee waxay ahayd mid horey loo qorsheeyey oo waliba bilowgii bishii May sanadkaan ayaa la qorsheeyey.
C/llaahi Warmooge, Muqdisho
ARAABINEWS.COM
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay