Araabinews.com–Ciidamada xooga dalka Somaliya iyo kuwa Amisom ayaa ku dhow inay xoreeyaan degmada Baardheere oo mudooyin badan ku jirtey gumeysiga iyo xasuuqa argagixisada caalamiga ah. Ciidamada ayaa qabsadey tuulada Garas-dulan oo ay argagixisadu haysatay afar sano,,waxana aad loo soo dhaweeyay ciidanka xoreeyay.
Deegaanka Garas-dulan ayaa 35km u jirta Degmada Baardheere waxaana la soo warinayaa in Maleeshiyada ay halkaasi ka uruursadeen Boorsooyinkooda.
Tani, ayaa waxay ka dambeysay markii Ciidamad xooga ay gelinkii dambe ee shalay dagaal kula wareegen deegaanka Taraaka, oo qiyaastii 55km u jirta Degmadaas Baardheere.
Ciidamada xooga oo iminka ku sugan Garas-dulan, ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay u qalab qaadanayan deegaanka Juungal oo 30km u jirta Degmada Baardheere, ayna daafacyo kaga jiraan argagixisada shabaab.
Saraakiisha hogaamineysa Ciidamada is garabsanaayo ayaa sheegay in sidoo kale ay jiraan ciidan kaloo jihooyin kala duwan ka soo baxay, oo ku sii siqaaya Degmadaasi, waxaadna mooddaa in culeys xoogani la saaray Shabaabka ka arrimiya Baardheere.
Dhanka kale, Deegaanka lala wareegay ayaa noqonaayo deegaankii labaad oo ay Ciidamada qabsadaan waxa uuna hordhac u yahay qorshaha ay Ciidamada ku qabsanayaan Magaalada Baardheere.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay