X

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Koofur Galbeed oo is bedel sameeyay

Ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaa Koofur Galbeed iyo Gedo ayaa loo kala bedelay madaxda kadib markii ay ku wareegeen hawlgalka cusub ee ATMIS ee bedelaya kii hore ee AMISOM. Saraakiisha cusub ayaa balan qaday inay la shaqayn doonaan ciidanka Somalida.


”Si loo ciribtiro argagixisada waa in ay jirtaa wada shaqayn fiican oo ka dhaxaysa ciidanka xooga dalka iyo kuwan Itoobiya ayuu yiri sarkaalka cusub ee loo magacaabay ciidanka.


Itoobiya ayaa dhawaan soo kordhisay ciidankeeda ka jooga Koofur Galbeed iyo Gedo kadib markii dhiigmiiratada Shabaab ay dilal ka gaysteen Somali galbeed.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.