X

Maxay Somaliya uga dhigan tahay doorashada Wilyam Ruuto

Waxa mardhow lagu kala baxay doorashadii dalkaasi Kiiniya halkaas oo qabiilka yar ee uu hogaamiyo Wilyam Ruuto uu ku garaacay Odhinga oo ku hami jiray inuu kala gooyo dalkeena. Odhinga wuxuu dabada kaga jiray Ingiriiska wuxuuna si cad u sheegay inuu Somaliya kala jarayo oo aqoonsi siinayo ISAAQA ayuu yiri Xuseen Warsame.


Wilyam Ruuto ayaa lagu yaqaanay inuu ka fiirsado siyaasada gobolka kana fogaan jiray inuu farageliyo arimaha jaarka, inkastoo Kiiniya ay tahay xero Maraykanka iyo Ingiriisku adeegtaan, oo aan la ogeyn marka uu xukunka fuulo waxa uu samayn karo.


”Waxaan shaki ku jirin in doorashada Wilyam Ruuto ay foolxumo ku tahay Xasan Culusow oo la adeegsaday oo noqday ololaha Uhuru iyo Odhinga, qaadka uu fasaxayna cod raadis u ahaa, waxa dhana ay ahayd shax weerar ku ah qaranimada Somaliya uuna ka dambeeyay Uhuru ayuu qabaa Cali Calasow.


Ugu yaraan waxa colaal xumo haysaa caawa gooni goosadka Woqooyi sida Muuse Biixi ee welli aaminsan inay Somaliya ka go’een inkastoo burburka jiraa uu siinayo inaan cidi farogelin arimaha beesha dhexe, haddana Maraykanku rabo inuu u isticmaalo Berbera iyo Hargeysa sida Taywaan.



Marnaba kama dhigna in doorashada Wilyam Ruuto ay noqonayso mid dan u ah Somaliya oo tusaale ahaan uu markaaba la baxayo ciidankiisa Kismaayo jooga laakiin ay dhici karto inuu bedelo sida ugu yaraan Axmed Madoobe, inkastoo Somaliya ayna ka jirin dawlad qableh oo wax sheeganaysa oo aragti fog leh.


Laakiin inaga shacab ahaan oo ah dad soo jeeda aan Wilyma Ruuto kula dhaqano wuxuu la yimaado inta aan helayno dawlad siyaasad qaran la timaada.

Kiiniya ayaa u muuqata inay nacday qabiilka ugu weyn ee xukunka iska haysan jiray, tan lafteeda ayaa Kiiniya u ah waa cusub oo u baryay.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.