Ciidamada milatariga ayaa la go’aamiyay in laga saaro magaalada laguna wareejiyo amniga kuwa booliiska iyo ciidamada nabadsugida si loo xakameeyo dhibaatooyin milatarigu keeneen.
Amarkan ayaa imaanaya ayadoo ay wiiqantey awoodii argagixisada shabaab oo ku jabay dagaalkii tooska ahaa hadana iskugu shubtey in ay dagaalkooda ka dhigaan ku dhifoo ka carar iyo dadka masaakiinta oo ay qaraxyo ku dilaan.
Taliyaha Ciidanka Milatariga Soomaaliya Maxamed Aadan Axmed{Buud) oo Warbaahinta kula hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Magaalada laga saarayo Muqdisho Ammaankana ay Xaqiijin doonaan Nabad Sugidda iyo Booliska islamarkaana Taliyaasha Ciidamada ay sidaa isku raaceen.
Dhanka kale Taliyaha Ciidamada Milatariga ayaa sheegay in Gacanta lagu Hayo Askari ka mid ah Ciidanka Milatariga oo Shalay Soobe ku dilay Wiil Dhalinyaro ah oo ka mid ah dadka Muqdisho.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Amar ku bixiyay in Sharciga la horgeeyo Askarigaas Dilka u geystay Muwaadinka Soomaaliyeed islamarkaana lagu Fuliyo waxa uu Sharciga ka helo.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay