X

Ciidamadii Barre Hiiraale ee deegaanka Gobweyn ee Kismaayo oo laysku qabsaday yayse ku biireen

Cidamadi dawlada Somaliya ee deegaanka Gobweyn oo Kismaayo u jirta ilaa 11km ayaa laysku qabsaday cida ay ku biirayaan waxana isku qabsaday ciidamada Kiiniya iyo Kuwa Itoobiya ee hawlgalka Amisom. Ciidamada Barre Hiiraale ayaa ku sugnaa Gobweyn ilaa iyo intii ciidamada Kiiniya ka soo saareen Kismaayo horaantii sanadii 2013.

In ka badan 50 askari oo kamida ku sugnaa duleedka magaalada Kismaayo ee Goobweyn oo hore uga mid ahaa ciidamadaii taabacsanaa Korneyl Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo dagaalka looga saaray magaalada Kismaayo, ayaa waxaa maanta loo gacan geliyay Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Magaalada Kismaayo.

Ciidamadan oo muddo sanado ah ku sugnaa halka loo yaqaano Sabca Asharaaf, kana tirsan Deegaanka Goobweyn oo 11km u jirta Magaalada Kismaayo ayaa la sheegay inay isku qabsadeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya ee AMISOM ka wada tirsan cidda la wareegeysa, waxaana is qabqabsi iyo muran kadib la wareegay ciidamada Itoobiya.

Suxufiyiinta goobta ku sugnaa ayaa soo sheegay in ciidamada Itoobiya ay markii dambe ku guuleysteen in lagu wareejiyo askarta laga soo xareeyay Goobwayn, iyadoo askartaasi ay diideen ciidamada Kenya oo ay ku eedeeyeen inay qeyb ka ahaayeen dagaalkii looga soo saaray magaalada Kismaayo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.